Cali Binu abii Daalib -Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay in Madi badani ka imaan jirtay - Madidu waa biyo cad oo khafiif ah is jiidanaya, oo xubinta taranka kasoo baxa marka dareenka qofku jiro ama galmada ka hor-, mana garan waxa uu samaynayo marka ay kasoo baxdo madidu, wuxuuna ka xishooday inuu waydiiyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waayo waa sayga Faadumo oo inanta Nabiga ah-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate. wuxuu waydiistay Miqdaad Binu Aswad inuu Nabiga waydiiyo arinkaa. Wuxuuna ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaate- inuu dhaqo xubintiisa taranka ka dibna waysaysto.