Nabigu-naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay qofkii xaaraya ama kaadinaaya inuu qiblada ama xaga kacbada u jeesto ama uu u daba jeediyo qiblada oo uu dhabarkiisa ka dhigo qiblada, laakiin qofku uu u jeesto xaga bari ama xaga galbeed hadii qibladiisu tahay sida qiblada reer madiina oo kale. Ka dib Abuu Ayuub-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay markii ay tageen Shaam inay ugu tageen musqulo loo diyaariyey in lagu xaajaysto oo loo jeediyey xaga Kacbada, waxayna jirkooda ka jeedin jireen qiblada, sidaas oo ay tahay ayey Ilaahay dambi dhaaf waydiisan jireen.