Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Mida 1aad: Qofki wayso qaadanaya waa inuu Biyaha Sanka geliyo, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Mida 2aad: Qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan Biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah seddex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Mida 3aad: Qofka ka toosa hurdada habeenka Gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu Gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday, kama aamin aha in Gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama Biyaha xumaynaya.