explain-icon

Sharaxaad

Cusmaan Binu Cafaan-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu damcay inuu dib u dhiso Masaajidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qaab ka wanaagsan qaabkii hore, dadkii ayaase dhibsaday arinkaa, waayo waxaana ku jira in la badalo qaabkii loo dhisay Masjidka waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ka dhisnaa Masaajidku Bulukeeti, Saqafkiisuna wuxuu ahaa laamaha Timirta, laakiin Cusmaana wuxuu damcay inuu ka dhiso Dhagax iyo Nuurad, wuxuu Cusmaan sheegay inuu ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofka Msaajid dhisa, isagoo raali ahaanshaha Ilaahay ku doonaya, is tustus iyo magac doona ka ahayn, Ilaahay wuxuu ku abaal marinayaa abaal marinta ugu fadliga badan oo nuuca camalkiisa ah, kaaso ah in Ilaahay uga gadhisayo Janada mid la mida.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la isku booriyey in Masaajida la dhiso iyo arinkaasi fadliga uu leeyahay.
  • Balaarinta Masaajidka iyo cusboonaysiintiisu waxay soo galayaan fadliga dhismaha Masajidka.
  • Acmaasha oo dhan in Ilaahay loo khaalis yeelo ahmiyad ayey leedahay.