explain-icon

Sharaxaad

Wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Qofka soo gala Masaajid waqtigay doontaba ha ahaatee iyo ujeedaduu doonaba ha u soo galee, inuu tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan, waana labada Rakcadood ee Taxiyatul Masjidka.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa Suno ah in la tukado labo Rakcadood oo Taxiyatul Masjidka intaan la fariisan.
  • Labada Rakcadood waxaa laga rabaa waa Qofka doonaya inuu Masaajidka fariisto, Qofkase soo gala ee ka baxa intaanu fariisan ma soo galayo amarkaas.
  • Haduu Qofku soogalo Masaajidka dadkuna Salaada ku jiraan oo uu la galo Salaada, way kaga filan tahay labadii Rakcadood.