Hadii midkiin soo galo masaajidka ha tukado labo rakcadood, intaanu fariisan

Abii Qataada Alsalami Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka scw ka wariyey inuu yiri: "Hadii midkiin soo galo masaajidka ha tukado labo rakcadood, intaanu fariisan".
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Wuxuu ku booriyey Nabigu scw qofka soo gala masaajid waqtigay doontaba ha ahaatee iyo ujeedaduu doonaba ha usoo galee, inuu tukado labo rakcadood, intaanu fariisan, waana labada rakcadood ee taxiyatul masjidka.

  1. Waxaa suno ah in la tukado labo rakcadood oo taxiyatul masjidka ah intaan la fariisan.
  2. Labada rakcadood waxaa laga rabaa waa qofka doonaya inuu masaajidka fariisto, qofkase soo gala ee ka baxa intaanu fariisan ma soo galayo amarkaas.
  3. Haduu qofku soogalo masaajidka dadkuna salaada ku jiraan oo uu la galo salaada, way kaga filan tahay labadii rakcadood.

Successfully sent!