explain-icon

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatree- wuxuu dadka tukanaaya faray inay simaan safka, oo qaarba qaarka kale aanay ka horayn, simada safkuna waxay ka mid tahay salaada dhamaystirkeeda iyo kaamilnimadeeda, safka qaloocintiisuna waa khalad iyo nusqaan salaada lagu sameeyey.

explain-icon

Benefits from the Hadith

  • Waa sharci in la ilaaliyo wax walba oo ka mida salaada dhamaystirkeeda oo ka fogaynaya wixii nuqsaan ah.
  • Xadiiska waxaa ku sugan Xikmadii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu dadka wax u bari jirey, waayo wuxuu isku xiriiriyey Xugunkii iyo Ciladiisii, si ay u cadaato Xikmada loo Jideeyey iyo dadka oo lagu dhiiri geliyo inay gutaan Xugunka.