(Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun

Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye waxaa laga wariyey inuu Nabigu scw yiri: (Ha u baranina cilmiga si aad ugu faantaan culimada ama ugu la murantaan dadka xun ama in la idinku ixtiraamo, qofka intaa suubiya naartuu mudan naartuu mudan)
Sahih/Authentic. - Ibn Maajah

Nabiga scw wuu ka digay in cilmiga loo barto in lagu faano ama in culimada lagula tartamo, ama si uu u muujiyo inuu culumado yahay, iyo in lagula murmo wax ma garadka, iyo in loo barto in la xurmeeyo ama mudnaanta la siiyo. Qofka sidaa sameeya, wuxuu mudanayaa naarta, waayo cilmiga Ilaahay darti loo barto ayuu u bartay istustus iyo ikhlaas la'aan.

  1. Naarta ayaa loogu goodiyey qofka cilmiga u barta faan ama inuu culimada kula murmo ama in lagu hormariyo iyo wixii la mida.
  2. Ahmiyada ay yeeldahay in ikhlaas loola yimaado niyada qofkii doonaya inuu cilmi barto ama uu baro.
  3. Niyadu iyadaa aasaas u ah camalka, iyadana qofka lagu abaal marin.

Successfully sent!