explain-icon

Sharaxaad

Nabiga Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ka digay in cilmiga loo barto in lagu faano ama in culimada lagula tartamo, ama si uu u muujiyo inuu culumo yahay, iyo in lagula murmo wax ma Garadka, iyo in loo barto in la xurmeeyo ama mudnaanta la siiyo. Qofka sidaa sameeya, wuxuu mudanayaa Naarta, waayo cilmiga Ilaahay darti loo barto ayuu u bartay istustus iyo ikhlaas la'aan.

explain-icon

fawaed

  • Naarta ayaa loogu goodiyey Qofka cilmiga u barta faan ama inuu Culimada kula murmo ama in lagu xurmeeyo iyo wixii la mida.
  • Ahmiyada ay leedahay in ikhlaas loola yimaado niyada Qofkii doonaya inuu cilmi barto ama uu baro.
  • Niyadu iyadaa aasaas u ah camalka, iyadana Qofka lagu abaal marin.