explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuusan gadaashiisa uga tegin Ragga itaxaan iyo ibtilo uga daran Dumarka, haday ehelkiisa tahay waxaa dhici kara inuu ku raaco waxay Sharciga ku khilaaftay, haday ajnabi ka tahayna inay is dhex galaan oo uu la khaali noqdo ayaa fasaad uga imaan karaa.

explain-icon

fawaed

  • Qofka Muslimka ah waxaa looga baahan yahay inuu ka digtoonaado fitnada Haweenka, iyo inuu iska oodo meel kasta oo fitno Dumar uga iman karto.
  • Waxaa la gudboon muuminka inuu Ilaahay cuskado oo isaga jeclaado si uu uga nabad galo fitnooyinka aduunka.