Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye-: wuxuu cadeeyey in sunayaasha uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka xafiday ay yihiin toban Rakcadood oo la dhoho Sunooyinka Rawaatibta ah, laboRrakcadood oo Duhurka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo ka dambeeya, labo Rakcadood oo Maqribka ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Cishaha ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Fajarka ka horeeya. Sidaasay ku dhan yihiin tobankii Rakcadood. Salaada Jumcadana labo Rakcadood ayuu ka daba tukan jiray.