explain-icon

Sharaxaad

Caa.isha, Muminiinta Hooyadood-Allaha karaali ahaadee- waxay sheegtay arimo u qaara iyada markay Suubanaha la joogto-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxaana ka mida: inay hal weel Nabiga scw kula qubaysan jirtay, oo biyaha hal weel ka wada darsanayeen. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- marka uu damco inuu u tago iyada oo caado qabta wuxuu fari jiray inay guntato maro daboosha xudunteeda ilaa lawyaheeda, wuuna la baashaali jiray iyadoon galmo jirin. Nabigu scw isagoo masaajidku ictikaafaya ayuu madaxiisa caa`iasha u soo bixin jiray markaasay u dhaqai jirtay iyadoo caado qabta oo gurigeeda joogta.

explain-icon

fawaed

  • Way banaan tahay inay ninka iyo xaaskiisu weel kaliya ku wada qubaystaan.
  • Waxaa banaan in tan caadada qabta lala baashaalo wixii aan farjiga ahayn oo jirkeedu daahir yahay.
  • waxaa suno ah inay gabadhu soo xirato googarad hadii ay caado qabto oo ay ninkeeda la baashaalayso.
  • waa in la raaco asbaabta diidaysa in xaaraan lagu dhico.
  • Gabadha dhiiga qabta looma ogola inay masjidka ku raagto.
  • Waxaa u banaan gabadha dhiiga qabta inay qaban karto waxkasta oo qoyan ama qallayl ah, waxaana ka mida dhaqitaanka timaha iyo shanlayntooda.
  • xadiiska waxaa ku xugan dhaqankii fiicnaa ee Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ahaa ahaatee- uu kula dhaqmayey reerkiisa.