Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee la qabto uu ka fadli badan yahay camalka Maalmaha Sanadka intiisa kale. Asxaabtu Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiiyeen Jihaadka aan ahayn Maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka Bisha Dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu Jihaadku camalka u fadliga badan yahay. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee Maalmaha tobanka Dil-xija laqabto ka fadli badan yahay Jihaadka oo la Jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay Jihaad oo u huray Naftiisa iyo Maalkiisa waqti Jihaad jiray, sidaana ku waayey Naftiisiii iyo Maalkiisiiba. Waa kaas kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka ah.