(Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Illaahayna wuu raali galiyaa)

Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw. (Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Illaahayna wuu raali galiyaa).
Sahih/Authentic. - An-Nasaa’i

Nabigu scw wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Waana sababaha u keena adoonka Ilaahay raali ahaantiisa, waayo waxaa ku jira-cadayga adeecida Ilaahay iyo amarkiisa oo la qaato, iyo nadaafada Ilaahay jecel yahay.

  1. Fadliga cadayga, iyo Nabiga scw oo jeclaysiyey ummaddiisa inay cadayga badsadaan.
  2. Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunku wuxuu geli kara booska cadayga.

Successfully sent!