explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Shan wax yaabood oo Diinta Islaamka iyo Sunihii Ambiyada ka mid ah: Tan koowaad: Gudniinka, waana jaritaanka la jaro haraga sare ee qariya Madaxa Buuryada Raga, iyo in la jaro Madax Kintirka Gabdhaha halka Buuryadu marayso korkeeda. Tan labaad: waa xiiritaanka Timaha Bisqanta. Tan seddexaad: gaabinta Timaha Shaarubaha, lamana ogola inay qariyaan Bishinta. Tan afraad: waa jaritaanka Cidiyaha. Tan Shanaad: waa Timaha Kilkillada oo la rifo.

explain-icon

fawaed

  • Sunaha Ambiyada ee Ilaahay jecelyahay raaligana ka yahay uuna faray Adoomadiisa waxay dadka u tahay kamaal, wanaag iyo qurux.
  • waa Sharci in arimahan la joogteeyo oo aan la moogaan.
  • Tilmaamahan waxay leeyihiin faa'iidooyin xaga Diinta iyo xaga Aduunka ah, waxaa ka mid ah: muuqaal wanaag, nadaafada jirka, iyo in dahaarada loo degdego, in Gaalada la khilaafo iyo in amarka Ilaahay la qaato.
  • Xadiisyo kale waxaa lagu sheegay tilmaamo kale oo fidrada ka mida, oo aan shantaan ahayn, sida: Garka in la daayo, Rumayga, iyo kuwa kale.