Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Salaad la tukado hadii Cunto la soo dhigay, taasoo Nafta Qofka tukanayaa ay rabto oo uu Qalbiga ku hayo. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu kaloo uu reebey inuusan tukan karin Qofka isku celinaaya labada Najaaso oo ah Kaadida iyo Saxarada, waayo wuxuu mashquul ku yahay inuu dhib isku celiyo.