Waxaa la waydiiyey Caa'isha-Allaha ka raali ahaade akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku jawaabtay hadal aad u guda wayn, waxayna u jeedisay Qofkii su'aasha waydiiyey Qur'aanka oo ah Kitaabka Sifooyinkiisa oo dhan kaamil yihiin, waxayna dhahday: wuxuu ahaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ka akhlaaq dhigta Qur'aanka, oo ku dhaqma isaga, Qur'aanku wuxuu faro wuu fulin jirey, wuxuu ka reebana wuu ka fogaanayey, khuluqiisu wuxuu ahaa mid Qur'aanka ku camal fala, kuna ekaada xuduuddiisa, ka edeb qaata Quraanka, oo ku cibro qaata maahmaahyihiisa iyo qisooyinkiisa.