Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu tusaale u soo qaatay kuwa xuduuda shareecada dhowra ee amarka Ilaahay ku toosan, wanaagana fara xumahana reeba . iyo kuwa ku dhaca xuduuda Ilaahay, ee kataga wanaaga xumaantana u bareera, iyo saamaynta taasi ku leedahay badqabka bulshada, waa sida dad saaran doon, una qori ritay cida xaga sare fariisan iyo kuwa xaga hoose fariisan, sidaana qaar ku heleen xaga sare, qaarna xaga hoose, kuwa hoosta fadhiya markay biyo rabaan waxay siimarayaan kuwa sare, oo ay dheheen kuwa hoose: halkan aan joogno aan dalooshano, si aynaan u dhibin kuwa sare, haday ku eegaan kuwa korka saarani daloolintaa, way la dagin doontu dhamaantood, hadayse ka joojiyaan oo daloolintaa u diidaan way wada bad-baadayaan dhamaantood.