Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha: "laa ilaaha Ilaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku, wa lahul xamdu, wa huwa calaa kuli shayin qadiir" macneheeduna yahay: mid xaq lagu caabudo ma jiro oo aan Ilaahay ahayn, waa kaligii shariigna malah, Ilaahayna isagaa xumaan ka hufane mulkigiisu waa kaamil, wuxuu xag u leeyahay amaan oo dhan iyadoo la jecel yahay oo la waynaynaayo cidaan isaga ahayna la waynayn, Ilaahay waa qaadir wax cajsi galinayaa jirin. Qofka ku celceliya digrigaa weyn Maalin kasta toban jeer, wuxuu helayaa ajarka uu helo Qof xoreeyey Afar Adoon oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah, isaga iyo Aabihiiba nabadi korkooda ha ahaatee, wuxuuna ugu gaar yeelay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee duriyada Nabi Ismaaciil way ka Sharaf badan yihiin dadka kale.