Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in markuu ninku siiyo Reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida Xaaskiisa, labadiisa waalid, Caruurtiisa iyo qayrkoodba, isagoo Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka Sadaqada oo kale.