explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni Aadanow bixi Sadaqada waajibka ah iyo tan Sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal idinsiine idiina barakayne.-

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la isku booriyey Sadaqada iyo in jidka Ilaahay wax lagu bixiyo
  • Ku bixinta Maalka meelaha khayrka ahi waxay ka mid tahay asbaabta ugu waawayn ee Ilaahay ku barakeeyo risiqa kuna labanlaabo iyo in wixii uu bixiyey Adoonku Ilaahay badalkeeda siiyo.
  • Xadiiskani wuxuu ka mid yahay Axaadiista uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay ka wariyey, waxaana lagu magacaabaa Xadiis Alqudsi ama Xadiis Al-Ilaahi, waana Xadiis ereyadiisa iyo macnahooduba xaga Ilaahay ka yimaadeen, Qur'aankana la mid maaha oo laguma caabudo Ilaahay akhrintiisa, looma dahaaro qaato, taxadiga iyo icjaaska Qur'aanku leeyahayna malaha xadiisul-qudsigu.