Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in sadaqdu aysan Maalka yarayn, balse ay ka difaacado Aafada, Ilaahayna wuxuu ugu badalaa kan Sadaqada bixiya khayr wayn, waxayna noqotaa mid badisa ee aan yarayn. Qofka dadka iska cafiya isagoo awooda inuu ka aarsado ama uu u qabsado Qofkii, Ilaahay wuxuu ugu bedelaa awood iyo cisi. Qofka Ilaahay darti u tawaaduca oo isu bihinbihiya, isagoon Qofna ka cabsanayn ama iska jeedinayn ama aan nafac kaga doonayn, llaahay wuxuu abaal uga dhigaa inuu sarayn iyo sharaf siiyo.