explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.

explain-icon

Benefits from the Hadith

  • Xadiiska waxaa ku sugan in Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo weyneynayo sida Qur'aanka loo weyneeyo waxna waa laga qaadanayaa.
  • Adeecida Rasuulka waa adeecida Ilaahay, ku caasinta Rasuulkana waa ku caasinta Ilaahay.
  • Xadiiska waxaa ku sugan xujonimada Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo in laga difaaco Sunada kuwa la dirirsan ama diidan.
  • Qofka diidan Sunada ee sheegta inuu Qur'aanka ku gaabsanayo, waa mid labadaba diidan oo ka been Sheegaya wuxuu sheganayo oo ah inuu Qur'aanka raacayo.
  • Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nabinimadiisa waxa cadaynaya waxaa ka mid ah: inuu sheego shay dhicidoona mustaqbalka, shaygiina sidii uu u sheegay u dhacayo.