Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in qof walba oo muslima ay ka saaran tahay bulshada masuuliyad ay tahay inuu ilaaliyo oo ka soo boxo. Imaamka iyo amiirku waxay ilaalinayaan wixii Ilaahay raaciyey, waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan sharcga, oo ay ka difaacaan cidii dulmi wada, oo ay ku jihaadaan cadowgooda, oo aysan dayicin xaqooda. Ninkuna wuxuu masuul ka yahay inuu qoyskiisa biilo, oo uu si fiican ula dhaqmo, oo uu wax baro oo uu edbiyo. Gabadhana waxaa la raaciyey guriga ninkeeda waa inay si fiican u maamusho gurigiisa oo ay tarbiyeyso caruurtiisa, iyadaana masuul ka ah arinkaas. Qofka khidmeeya ee adoonka ah iyo kan shaqaalaha ah waxay masuul ka yihiin xoolaha sayidkooda waa inay ilaaliyaan wixii uu u dhiibay iyo shaqadii uu u diray, iyagaana masuul ka ah arinkaas. Qofkasta wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey, qof walbana waa la waydiinayaa wixii la raaciyey.