Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inay Muslimiinta talada u qaban doonaan Madax qaadan doona maalka Muslimiinta iyo Aduunyada kaleba, oo waxay doonaan ku sameynaaya Muslimiintana u diidaya xaqa ay ku leeyihiin. Madaxdaas waxaa laga arki doonaa arimo aad Diinta waafaqsanayn oo la diido. Asaxaabtu waxay waydiiyeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waxa ay sameynayaan xaaladaas?. Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Xoolaha ay qaateen aysan keenayn inaad diidaan xaqii ay waajibka idinku lahaayeen oo ah inaad maqashaan oo adeecdaan, balse ku sabra oo maqala oo adeeca oo ha ku qabsanina Xukunka, oo Ilaahay waydiista xaqiina, oo ka barya inuu idiin hagaajiyo oo idinka celiyo Sharkooda iyo Dulmigooda.