Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu la yaabay Muuminka arinkiisa iyo axwaashiisa, isagoo-Rasuulku- jeclaysanaya arinkaa, waayo xaalkiisoo dhan baa kheyr wada ah, Muuminka maahee cid kale uma sugna arinkaasi, Hadii wax farxad leh uu helo wuu ka mahadin markaasuu mahad naqaas ka helayaa ajar. Hadii dhib ku dhacona wuu ku sabraa oo Ilaahay ayuu ajar ka helayaa, wuxuuna sabirkaa ka helayaa ajar, sidaa awgeed mar walba wuxuu helayaa ajar.