explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu Sujuudsan yahay, taasina waa Qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna Sharafta badan jirkiisa isago Ilaahay Casa Wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo Sujuudsan. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo Sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.

explain-icon

fawaed

  • Cibaadadu waxay u kordhisaa Adoonka u dhawaanshaha Ilaahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.
  • Waxaa Suno ah in Sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.
explain-icon

dheeraad/kordhin