explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Janada iyo Naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay la sameeyo oo Janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo Naarta.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la is jeclaysiinayaa khayrka haba yaraadee, waxaana la iska cabsi galiayaa sharka haba yaraadee.
  • Qofka Muslimka ah waxaa lama huraan u ah noloshiisa inuu kulmiyo rajo iyo cabsi, Ilaahayna waydiisto mar waliba inuu xaqa ku sugo si uu u nabad galo oo uusana ugu kadsoomin xaalkiisa .