explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan Janada gelayso Qofkii iska diida mooyee! Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya Rasuulkii Ilaahayow.?! Wuxuu ugu jawaabey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Janaduu gelayaa, Qofkase aan u hogaansamin Shareecada camalkiisa xun wuxuu ka dhigan yahay inuu diiday Janada gelideeda.

explain-icon

fawaed

  • Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo la adeeco waxay ka mid tahay Ilaahay adeecidiisa, Nabiga oo lagu caasiyona waxay ka mid tahay Ilaahay oo lagu caasiyey.
  • Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo la adeeco waxay qofka u waajibinaysaa Janada, in la caasiyona waxay u waajibinaysaa Naarta.
  • Xadiiska waxaa ku sugn in loo bishaaraynayo kuwa Rasuulka adeecay ee Ummaddaan ah, inay dhamaantood Janada gelayaan kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa caasiyey mooyee.
  • Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa u naxariisan jirey kuna dadaali jirey hanuunkooda.