Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa Wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana Gacanta ku hayey oo tarbiyeynaayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu baray seddexdan aadaabta cuntada ku saabsan. Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada. Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno. Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.