Nabigu scw wuxuu ku hagayaa ummaddiisa inay magan galaan kan wax tarka leh ee ka difaacaya wax walba ee dadku ka baqayaan markay meel dhulka ka mida degaan, ama safar yahay ama dalxiis iyo wixii la mida, waa inuu magan galaa oo difaac ka dhigtaa kalimaadka Ilaahay ee kaamilka ah fadligooda iyo barakadooda iyo nafacooda iyado aan lahayn ceeb iyo naqsi, uuna ka magan galaya wixii Ilaahay abuuray ee shar leh, oo makraa uu ka nabad galo wax walba oo dhib leh inta uu degan yahay meshaa.