explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in ninku eego cawrada nin kale, iyo inay Haweenaydu eegto cawrada Haweenay kale. cawraduna: waa wax kastoo laga xishoodo hadii ay muuqato, cawrada ninkuna waa inta u dhaxaysa xuduntiisa iyo lawgiisa, Haweenayduna dhamaanteed cawro ayey ka tahay Ragga ajaanibta ah, Dumarka iyo Ragga Maxaarimteeda ahna waxay u muujinaysaa inta ay muujiso marka ay guriga ka shaqaynayso. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay inuu ninku ninkale hal maro ama wax kalaba kula keliyoobo iyagoo qaawan, wuxuu kaloo reebay in Haweenay ay Haweenay kale hal maro ama wax kale kula keli noqoto iyagoo wada qaawan, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in Qofba Qofka kale cawradiisa taabto, taabashadeeduna waa xaaraan sida eegmadeeda loo xaaraan tinimeeyey, oo waliba way kasii daran tahay, waxayna keenaysaa fasahaad kasii wayn.

explain-icon

fawaed

  • Waa la reebay in la eego cawrooyinka marka laga reebo ninka iyo xaaskiisa.
  • Islaamku wuxuu ku dadaalay in Bulshadu daahir ahaato oo la xiro dariiq walba oo faaxisho keenaya.
  • Way banaan tahay eegmada cawradu markay baahi keento sida daawaynta iyo wixii la mida, waana inaan shahwad loo taaban.
  • Qofka Muslimka ah waxaa la faray inuu cawradiisa asturo oo indhihiisana ka laabto cawrada dadka kale.
  • waxaa reebida lagu gaar yeelay Ragga la jooga Ragga kale iyo Dumarka la jooga Dumar kale, waayo taasi waxay keenaysaa inay is eegaan oo cawrada faydaan.