Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u diiday Ragga inay xirtaan dharka Xariirta ah dhaaman noocyadiisa kala duwan. Ragga iyo Dumarkana wuxuu ka reebay inay ku cunaan ama ku cabaan Weelasha ka samaysan Dahabka iyo Fidada. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay inay Mu'uminiitu gaar u yeelan doomaan Maalinta Qiyaamaha, waayo Aduunka ayey uga tageen iyagoo Ilaahay ku adeecaya. Gaaladuse alaabtaa ma helayaan Aakhiro, waayo noloshoodii Aduunka ayey ku soo hor marsadeen wanaagoodii wayna soo isticmaaleen alaabtaas, Ilaahayna way ku caasiyeen.