explain-icon

Sharaxaad

Wuxuu ku habaaray Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -duli iyo ceeb heer uu sankiisa ciida galiyo-saddex jeer buu ku cel-celiyey- markaasaa la waydiiyey: waa kee kan aad habaartay Rasuulkii Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: waa qofka soo gaara labadiisa waalid oo gaboobay-midkood ama labadoodaba- ee ay sabab ugu noqon waayaan inuu janada galo, sababtoo ah uma uu ixsaan falin waana ku caasiyoobay.

explain-icon

fawaed

  • Waa waajib in baari loo noqdo labada waalid, waxayna ka mid tahay asbaabta janada lagu galo, gaar ahaan markay gaboobaan ama ay taag daran yihiin.
  • Waalidka in lagu caasiyo waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn.
explain-icon

dheeraad/kordhin