explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya Sunadii iyo aadaabtii weysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo Dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo cidiyaha Gacmihiisa iyo Lugihiisa.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa lagu borinayaa in lagu dadaalo barashada waysada, Sunaheeda, aadaabteeda iyo ku camal falkeeda.
  • Xadiiska waxaa ku sugan fadliga weysada, iyo in dambiyada yar-yar lagau dhaafo, dambiyada waaweynse waa in laga toobad keeno.
  • Shuruuda dambigu ku baxayo waa in waysada la kaamil yeelo oo lala yimaado waysada iyadoo aan la khaldin sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu sheegay.
  • Dambi dhaafka Xadiiskan lagu sheegay wuxuu ku xiran yahay in laga fogaado dambiyada waaweyn oo laga towbadkeeno, Ilaahay wuxuu yiri: (haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee laydinka reebay waxaan idiin dhaafi dambiyadiina yar yar.) [Annisaa:31].