Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba oo faral ah wuu u weyso qaadan jiray, xataa hadaan waysadu ka jabin, waana si uu uga helo ajar iyo fadli. Waxaa banaan in lagu tukado hal weyso Salaadaha faral ka ah hal ka badan intuu weysadiisa qabo.