Cabdullaahi Ibnu Cabaas -Allaha ka raali noqdee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu yiri: subaxdii jamratul-caqaba latuurayey, isagoo hashiisii saaran: "dhagax ii soo gur" waxaan u soo guray todoba dhagax oo yar-yar, oo kuwa far garanka ah, wuxuu bilaabay inuu gacantiisa ku ruxo oo dhaho: "kuwan oo kale uun tuura" ka dib wuxuu dhahay: "dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen." Sahih/Authentic. - Ibn Maajah
explain-icon

Sharaxaad

Cabdullahi Binu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu sheegay inuu Nabiga scw la joogay maalintii xoolaha la qalayey ee ciida, ee lana tuurayey dhagaxa jamratul-caqaba, xajkii Al-wadaac ee ugu dambeeyey Suubanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. Nabigu wuxuu amray isaga inuu u soo qaado toddoba dhagax oo yar-yar, oo mirkiisu uu le.eg yahay Digirta wayn, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inta gacantiisa ku shubay ayuu yiri: Dhagxaan kuwaan oo kale le`eg uun tuura, Intaa ka dib wuxuu ka digay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in lagu xad gudbo diinta oo la isku adkeeyo oo xadkeeda la dhaafo, waayo ummadihii hore waxaa halaagay ku xad gudubka diinta iyo iyadoo la isku adkeeyo.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa la reebay in diinta lagu xad gudbo, oo la cadeeyo cirib xumada ka dhalan karta, ayna sabab u noqon karto Halaaq.
  • Waa in lagu cibro qaato ummadihii naga horeeyey oo aan ka fogaano qaladkii ay ku dhaceen.
  • waxaa la isku boorinayaa in sunaha lagu daydo.
explain-icon

cats

explain-icon

dheeraad/kordhin