Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal la qabto, caqiido iyo hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: "laa ilaaha Ilaa Allaah", waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay keenayso, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligi, cidii isaga ka soo hartayna aysan xaq u lahayn. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah Dariiqa dadku marayaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.