Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka Guriga la gelayo iyo cuntada ka hor, marka Qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa gelayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo, shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin Gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan gelay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo Gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu Guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay Guriga ku leeyihiin Hoyaatin iyo Cashaba.