Hooyadii muuminiinta ee maymuuna-Allaha ka raali ahaadee-waxay ka sheegtay qaabkii Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janaabada uga qubaysan jiray, iyadoo Nabiga scw ay u dhigtay biyo si uu ugu qubaysto, waxayna ku asturtay maro, markaas Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee-wuxuu sameeyey sida soo socda: mida 1aad: gacmihiisa ayuu ku shubay biyaha oo dhaqay intaanu weelka galin. mida 2aad: gacantiisa midig ayuu biyo ku shubay oo bidixda ku dhaqay farjigiisa, isagoo iska nadiifinaaya wixii kaga haray qasliga. mida 3aad: dhulkuu gacantiisa ku masaxay, ka dibna wuu dhaqay si uu uga nadiifiyo wixii dhib ah. mida 4aad: wuu luq-luqday, oo inta biyaha afka galiyey oo ku dhaqdhaqaajiyey oo ku wareejiyey ayuu soo tufay, oo san daarsaday, biyaha ayuu neeftiisa sanka ku galiyey ka dibna wuu ka soo saaraay si uu u nadiifiyo. Mida 5aad: wuxuu dhaqay wajigiisa iyo labadiisa gacmood. Mida 6aad: wuxuu ku shubay biyaha madaxiisa. Mida 7aad: biyaha wuxuu ku shubay jirkiisa oo dhan. Mida 8aad: goobtuu ku qubaysanayey ayuu ka durkay lugihiisana wuxuu ku dhaqay meel kale, waayo lugaha horay uma dhaqin. Ka dib waxay u keentay maro si uu iskugu qalajiyo, laakiin kamuusan qaadane gacantiisa ayuu biyaha isaga masaxay oo iska firdhiyey..