Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku boorinayaa Qofka Muuminka ah inuu u deg-degooo uu badsado camalka saalixa ah, inta aan la waayin ama aan lagu mashquulin, fitnooyin iyo shubuhaat imaandoona oo u diidaya oo ka hor istaagaya camalka saalixa ah, fitnooyinkaasi waxay la mid yihiin qayb Habeen Mugdi ah, oo ay isku darsamayaan xaqa iyo baadilku, oo dadka ay ku adkaanayso inay kala saaraan, oo sida ay u daran tahay ay dadku isku dhex yaacayaan, ilaa Qofku uu Waabariisto isagoo Muumin ah, oo Galabaysto isagoo Gaal ah, oo uu galabaysto isagoo Muumina oo uu Waabariisto isagoo Gaala, oo Diintiisa uga tago xoolo Aduunyo oo dhamaanaya.