Faadumo Bintu Xubaysh Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxay waydiisay oo tiri: aniga dhiigu igama joogsado oo wuxuu iga socdaa waqti dhaafsan mudadii dhiiga caadadu iga socon jiray, ee xugunkiisu ma yahay xugunka dhiiga xaydka oo salaada ma joojiyaa.? Nabigu scw. wuxuu ku yiri: kaasi waa dhiig istaxaado ah waana dhiig jiro ah wuxuuna ka soo baxaa xidid Raximka ku jira ee ma aha dhiigii caadada. marka aad gaadho waqtigii aad heli jirtay dhiiga caadada ee bilaha ah intaanu kugu dhicin dhiiga istixaadadu, jooji salaada, soonka iyo wixii loo diidi jiray mida xaydka qabta. Hadii mudadaas qadarkeedu dhamaado, waxaad noqonaysaa mid xaydka daahir ka noqotay, meesha dhiiga iska dhaq, ka dibna si kaamila uga qubayso xadaska, oo tuko.