Qofka sooma ramadaanka isaga rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: "Qofka sooma ramadaanka isaga rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka sooma bisha ramadaan isagoo Illaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.

  1. Ikhlaaska fadligiisa iyo muhimada uu u leeyahay soonka ramadaanka iyo acmaasha kale ee saalixa ah.

Successfully sent!