explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka sooma Bisha Ramadaan isagoo Ilaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada Ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku sugan Ikhlaaska fadligiisa iyo muhimada uu u leeyahay Soonka Ramadaanka iyo Acmaasha kale ee Saalixa ah.
explain-icon

dheeraad/kordhin