explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Muslimiinta ugu fadliga badan uguna darajada sareeya Ilaahay agtiisa uu yahay Qofka Qur'aanka bartay, akhrintiisa, xafiday, tartiilkiisa iyo tafsiirkiisa, oo qayrki baray wuxuu ka yaqaan Culuunta Quraanka kuna camal fala Quraanka.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku soo arooray cadayn Sharafta Qur'aanka iyo inuu yahay hadal kan ugu khayr badan, waayo waa hadalkii Ilaahay.
  • Kuwa wax bartay waxaa ugu khayr badan kuwa qayrkood sii bara, kan Naftiisa ku gaabsada maaha.
  • Barashda Qur'aanka iyo baridiisu waxaa ka mida akhrintiisa, Macnihiisa, iyo Axkaantiisa.