Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahatee- wuxuu cadeeyey in qubayska maalinta jumcada loo adkeeyey sida waajibka waxaana laga rabaa nin walba oo qaan gaar ah oo muslim ah oo ka mida kuwa jumcadu ku waajibtay. waana inuu ilkihiisa ku nadiifiyo caday iyo wax la mida. Waana inuu isku carfiyo wax kasta oo caraf udgoon leh.