Abii Saciid Alkhudr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?". Xadiis Saxiix ah - Xadiis la isku waafaqay
explain-icon

Sharaxaad

Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay sida uu noqondoono xaalaka ummaddisa qaar ka mida waqtiga uu joogo ka dib, taaso ah inay ku raacidoonaan Yuhuuda iyo Nasaarada caqiidadooda, camalkooda, caadadooda iyo dhaqankooda raacid aad u daran oo taako taako iyo dhudhun dhudhun ah, xataa hadii ay galaan god abeeso lugaley ay ka daba galayaan.

explain-icon

fawaed

  • Waa astaan ka mid ah astaamihii Nabinimada Nabiga scw, isagoo sii sheegay arinkaasi intuuna dhicin, wuxuuna u dhacay sidii uu sheegay.
  • Waxaa la reebay in muslimiintu isku ekaysiiyaan gaalada, waa isku mid haday uga ekaadaan xaga caqiidadooda, ama cibaadadooda ama ciidahooda, ama dharkooda u gaarka ah.
  • waxyaabaha macnawiga ah in lagu cadeeyo tusaale la taaban karo waxay ka mid tahay usluubka Islaamku dadka wax ku baro.
  • Abeeso lugaley: waa xayawaan godkiisu aad mugdi u yahay oo qarmuun, waana xamaaratada saxaraha ku badan, sababta tusaalaha loogu gaar yeelay godka abeeso lugaleyda waa inuu aad ciriiri u yahay iyo xumaantiisa, sidaasoo ay tahay siday raadkooda ugu dayanayaan oo dariiqooda u raacayaan hadii ay galaan wax la mida godkaas ciriiriga ah oo xun way ku raacayaan! Ilaahay ayaa kaalmo lehe.