explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida caqiidada, cibaadada iyo caadooyinka iyaguu ka mid yahay, waayo oogada oo ay isaga ekaadaan waxay keenaysaa inay gudaha isaga ekaadaan, shakina malaha in hadii qolo la isu ekaysiiyo ay ka imaanayso inay cajabiyeen, taaso keeni karta inuu jeclaado oo weyneeyo oo uu ku dhex jiro, taaso Qofka u keeni karta inuu uga ekaado xaga gudaha iyo cibaadada, Ilaahay ayaan ka magan galnaye.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa laga digayaa isku ekeysiinta gaalada iyo faasiqiinta.
  • Waxaa la isku boorinayaa isku ekaysiinta saalixiinta iyo ku dayashadooda.
  • Dusha oo la isaga ekaado waxay dhaxal siinaysaa in uurka la iska jeclaado.
  • qofku goodiga iyo danbiga wuxuu ka qaadanayaa hadba sida uu yahay isu ekaysiintiisu iyo nooca ay tahay.
  • waxaa la iska reebay in la isu ekaysiiyo gaalada diintooda iyo caadooyinkooda u gaarka ah, wixiise aan intaas ahayn sida in laga barto farsamada iyo wixii la mida ma soo galayaan reebitaankaas.