Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inagu boorinayaa inaan Ilaahay casa wajala, ku kalsoonaano markaan nafaca doonayno ama dhib iska reebayno aduun iyo ِ Aakhiroba ku saabsan, waayo cid aan Ilaahay ahayn wax ma bixiso wax ma diido, wax ma dhibto waxna ma tarto. Nabigu wuxu inagu boorinayaa inaan la imaano asbaabta keenaysa inaan nafac doono iskan joojino dhibka inagoo Ilaahay si dhab ah ugu kalsoon, goortaan sidaa samayno Ilaahay wuxuu inoo irsaaqayaa sida uu shimbirta u irsaaqo, waxay baxdaa subixii iyadoo baahan ka dib waxay soo laabataa galabtii iyadoo calooshu u buuxdo, ficilkaa ay shimbirtu samaysay waa nooc asbaabtii raadinta iyo doonista irsaaqada ah, iyadoo aan la samaynayn isku halayn iyo caajis midna.