explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey goodiga adag ee ku soo arooray qofka dila Mucaahad waana Gaalka ku soogala Dhulka Muslimiinta heshiis iyo amaan, Qofkaasi ma urindoono Carafta Janada, Carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan Sano.

explain-icon

fawaed

  • Waa xaaraan in la dilo mucaahidka, dimiga iyo musta-amanka, dilkooduna waa dambiyada waaweyn.
  • Mucaahadku: waa Gaalka balan lala galo isagoo Dhulkiisa jooga, inaanu la dagaalamayn Muslimiinta, Muslimiintuna amaan siinayaan, Dimigu: waa midka deganaada Dhulka Muslimiinta ee jisyada laga qaado, Muta-mankuna: waa Gaalka ku soo gala dhulka Islaamka heshiis iyo amaan, waqti kooban.
  • Waxaa laga digayaa in la khiyaamo balamada lagu jiro dadka aan Musliniita ahayn.
explain-icon

dheeraad/kordhin