Qofkii habeenka laylatul qadarka salaatu layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: Qofkii habeenka laylatul qadarka salaatu layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim

Nabigu scw wuxuu sheegay fadliga habeenka laylatul qadrigu leeyahay, habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, qofka habeenkaa ku dadaala salaadda, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumeysan habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.

  1. Habeenka laylatul qadriga fadligiisa, iyo dadka oo lagu dhiiri galiyo inay salaad u istaagaan.
  2. Camalka suuban lama aqbalo in niyo run ah la jirto maahee.
  3. Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa qofka habeenka laylatul qadriga u istaaga salaad isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.

Successfully sent!