explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu habaaray Qofkastoo Madax ka noqda arimaha Muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha weynaadee, Madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, Qofkaasoo Madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn. Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa ku waajib ku ah Qofka Muslimiinta arimahooda shay ka mida Madax ka noqda inuu u naxariisto intuu kari karo.
  • Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalku yahay.
  • Miisaanka lagu cabiraayo naxariista ama adakaynta waa wixii aan khilaafsanayn Kitaabta iyo Sunada.
explain-icon

dheeraad/kordhin