Hoyadii Muminiinta ee Caa`isha Ilaahay ha ka raali ahaadee waxay sheegtay qaar ka mida akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxay sheegtay waxaa ka mida in hadii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan labadooda sahlan hadii labadooda kan sahlan uu u keenayno danbina wuxuu ahaan jirey kan dadka ugu fog, wuxuna dooran jirey kan adag. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si gaara nafiisa uguma aari jirin base wuu saamixi jirey waana cafin jirey xaqiisa, ilaa la jabiyo wixii Ilaahay xarimay oo markaas uu Ilaahay uga aaro, wuxuuna ahaan jirey kan dadaka Ilaahay darti ugu caro badan.